DHAGEYSO:4 qof oo ku dhintay xaafadda Shauri Moyo

0
642

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar qof ka dib markii dhuumo bullaacad ah oo gudbisa biyaha wasaqeysan ay ku duntay xaafadda Shauri Moyo ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in marinkaasi uu weli dhisme ku socday.
Ciidamada booliiska ayaa xaqiijiyay in saddex ruux oo dhacdadaasi ku dhaawacmay lagu daaweynaya isbitaalka Mama Lucy Hospital.
Waxaa howlaha samata bixinta iska kaashaday saraakiisha booliiska ee deegaanka Kamukunji iyo si guud ismaamulka Nairobi, hay’adda MSF iyo Hay’adda laanqayrta cas ee dalka ee Kenya Red Cross.
Meydadka afarta qof ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee caasimadda dalka si baaritaanno loogu sameeyo oo loo aqoonsado.
Qaar ka mid ah shacabka xaafadda Shauri Moyo oo uu ku jiro qof qayb ka ahaa dhisidda marinkaasi ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.
Waxay qandaraaslaha ku eedeeyeen inuu howshaasi waday xilli habeen ah abaare 1:30 habeenimo oo ay dhibaatadan dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here