Ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Eliud Lagat ayaa booqasho ku tagay saldhigga booliiska ee xaafadda Pangani ee ismaamulka Nairobi.
Socdaalka mas’uulkan ayaa yimid ka dib markii ay soo baxday cabasho la xiriirta maamulka.
Waxaa uu taliyaasha booliiska ku boorriyay in saraakiisha ammaanka ee la shaqeeya ay si wanaagsan ula macaamilaan.
Lagat ayaa carrabka ku adkeeyay in adeegga qaran ee booliiska ee NPS uunan marnaba u dulqaadanayn dayacaad mas’uuliyadeed iyo taliyaal sare oo sida uu hadalka u dhigay habdhaqankoodu uu ku saleysan yahay isla waynin.