LSK oo maxkamadda u gudbisay dacwad ka dhan ah booliiska

0
332

Ururka qareennada dalka ee (LSK) laantiisa ismaamulka Kisumu ayaa gudbiyay dacwad maxkamadeed oo ka dhan ah booliiska.
Waxay dacwaddan ku matalayaan 28 qof oo dhibbanayaal ah oo ka cabanaya in ciidamada booliiska ay si arxaan darro ah ula dhaqmeen xilligii ay socdeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda.
Waxaa dacwaddan gudbisay guddoomiyaha LSK ee Kisumu Dorcas Oluoch.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayay ku sheegtay in la xaqiijiyo sidii ay magdhow ku heli lahaayeen qoysaska dadkii dibadbaxyada lagu dilay iyo kuwii dhaawacmay.