Weerarro ay Israa’iil xalay ka fulisay daafaha Qaza ayaa waxaa lagu dilay 27 qof oo Falastiiniyiin ah.
13 ka mid ah dadkan ayaa ku geeriyooday duqeyn lala eegtay dhisme ku yaalla magaalada Koonfureed ee Khan Younis.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxda dalalka kala duwan ee caalamka ay cambaareynayaan weerar ay Israa’iil ka gaysatay aagga nabdoon ee Al-Mawasi ee Koonfurta Marinka Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa ku dhintay in ka badan 41,020 qof halka lagu dhaawacay 94,925 kale.