DHAGEYSO:Rakaab ku xayiran garoonka JKIA ka dib shaqo joojin ay sameeyeen shaqaalaha duullimaadka

0
213

Waxaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku xayiran rakaab isugu jiro kuwo maxalli ah iyo kuwa doonayay in ay u safraan dalka dibadiisa.
Tani ayaa timid ka dib markii shaqaalaha waaxda duullimaadka waddanka ee ku mideysan ururka KAWU ay saqdii dhexe ee xalay billaabeen shaqo joojin.
Waxay ka soo horjeedaan heshiiska ay dowladdu la gashay shirkadda Adani ee laga leeyahay dalka India.
Dowladda ayaa hoosta ka xarriiqday in is-afgaradkan uu yahay mid lagu ballaarinaya garoonka JKIA balse xubnaha ururka KAWU ayaa dhankooda ka walacsan in qorshahan uu shaqo la’aan baahsan horseedi doono.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in shaqo joojintan ay billaabato 1-dii bishan Sagaalaad balse howlwadeennada ayaa taasi dib u dhigay maadaama ay wada hadallo la yeelanayeen wasaaradaha gaadiidka iyo shaqaalaha.
Hasa ahaate , waxay hoosta ka xarriiqeen in ilaa iyo hadda aynan dowladdu xallin tabashadooda oo ah in laga laabto heshiiska maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee dalka ee KAA kala dhexeeya shirkadda Adani.
Mas’uuliyiinta ay shaqo joojinta shaqaalaha waaxda duullimaadka saameysay ee ku xayirmay garoonka JKIA waxaa ka mid ah xildhibaanka deegaanka Likuyani ee ismaamulka Kakamega ,Innocent Mugabe oo dareenkiisa la wadaagay warbaahinta.

Waxaa uu shacabka deegaanka Likuyani ka codsaday in aynan niyad jabin maadaama ay sugayeen inuu halkaasi tago balse uu ku dadaalaya inuu helo qaab kale oo uu ku safri karo.