Weerar ay Israa’iil ku qaadday teendho hooy u ahayd barakacayaal Koonfurta Qaza gaar ahaan meel u dhow magaalada Khan Younis ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 40 ruux.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay 60 qof oo kale.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 41,020 ruux iyadoo la dhaawacay 94,925 kale.