Waxaa isbitaalka wayn ee Moi ee magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ku geeriyooday Dickson Ndiema oo ay wada sheekeysanayeen orodyahaanad u dhalatay dalka Uganda oo lagu magacaabayay Rebeca Cheptegei.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay haweeneydan u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray dab uu gurigeeda qabadsiiyay.
Maamulka isbitaalka Moi ayaa xaqiijiyay in Ndiema uu xalay u geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray falkii uu gaystay.
Waxaa lagu daaweynayay qaybta daryeelka ee xaaladaha degdegga ah ee ICU-da.