Raila oo taageero ka helay dhallinyarada 13 waddan

0
301

Musharraxa xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da Raila Odinga ayaa waxaa taageero u muujiyay koox dhallinyaro ah oo ka soo jeedo 13 dal oo hoos tago qaaradda Afrika.
Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in Mr. Odinga uu leeyahay hiigsi uu ku hoggaamin karo AU-da.
Waxay ku tilmaameen shakhsi isagoo rajo wanaagsan muujinaya aan dhanka kale ka gabban wax ka qabashada caqabadaha dhabta ah ee ka taagan qaaradda.
Da’yarta ayaa hoosta ka xarriiqay in ay si buuxda u taageerayaan musharraxnimada jagada AUC ee ra’iisul wasaarihi hore ee dalka Raila Amolo Odinga.