Xildhibaankii hore ee deegaanka Bomachoge oo geeriyooday

0
294

Waxaa la xaqiijiyay geerida xildhibaankii hore ee deegaanka Bomachoge Chache ee ismaamulka Kisii Simeon Nyaundi Ogari oo sidoo kale soo noqday wasiir ku xigeenkii gaadiidka.
Ogari ayaa baarlamaanka ku biiray sanadkii 2009-kii.
Waxaa geeridiisa xaqiijiyay gacan yarihiisa muddada dheer Edison Onduso oo sheegay in siyaasigan hore uu xalay ku geeriyooday hooygiisa xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi ka dib sanado dhowr ah oo uu xanuunsanaa.
Waxaa geerida xildhibaanka hore ka tacsiyadeysay Essy Okenyuri oo si magacaabid ah ugu biirtay aqalka sare.