Wasaaradda difaaca qaran ee Shiinaha ayaa shaacisay in laga billaabo bishan ay iyadoo kaashanaysa Ruushka sameyn doonaan dhoollotus dhanka hawada iyo badda ah.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in dhoollotuska oo loo yaqaano “Northern United-2024” oo loola jeedo Waqooyiga mideysan ee sanadka 2024-ka uu ka dhici doono badda Japan iyo badda Okhotsk ee Waqooyiga fog.
Has ahaate, ma aynan shaacin taariikhda la sameynaya howlgalladan iyo faahfaahin dheeraad oo ku saabsan.
Tani ayaa muujinaysa xiriirka dhow ee ka dhexeeya ciidamada militariga ee labadan waddan.
Wasaaradad gaashaandhigga ee dalka Japan ayaa dhankeeda sheegtay in Sabtidii ilaa Axaddii ay aragtay 5 ka mid ah maraakiibta ciidamada badda ee Shiinaha oo ku soo wajahan badda dalkaasi.
Militariga Japan ayaa xusay in iyagoo adeegsanaya markab iyo diyaaradda roondada ay sameeyeen dabagal iyo uruurinta xogaha sirdoonka.