Sii hayaha xilka taliyaha guud ee booliiska oo kormeeray amniga ismaamullada Waqooyi Bari

0
168

Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr. Gilbert Masengeli ayaa ismaamullada Wajeer iyo Mandera ku maray socdaallo uu ku eegayay xaaladda ammaanka.
Isagoo ay weheliyaan agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Maxamad Ibraahim Aamiin iyo taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da Mr. Ranson Lolmodooni ayuu Masengeli toddobaadkan kormeerro dhanka amniga ah ka sameynaya ismaamullada Waqooyi Bari oo ay Garissa ka mid tahay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo horay weerarro loogu bartilmaameedsaday xarumaha saraakiisha ammaanka oo ay ugu dambeysay Khorof Xaraar.