Afhayeenka dowladda dhexe Isaac Mwaura ayaa maamuleyaasha dugsiyada ku boorriyay in ay taxaddar muujiyaan.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan gudaha waddanka laga soo tabiyay dhacdooyin dab ah oo saameeyay dhowr dugsi.
Waxaa xarumahan ka mid ah dugsiyo ku yaalla ismaamullada Nyeri, Makueni iyo Isiolo.
Sidoo kale subaxnimadii Axadda ayay ahayd markii dab laga soo tabiyay dugsiga sare ee Bukhalarire ee ismaamulka Busia gaar ahaan qaybta ay ardayda seexdaan in kastoo aynan cidna ku waxyeelloobin.
Shalay ayay ahayd markii uu dab xooggan ka kacay dugsiga sare ee wiilasha Ortum Boys High School ee ku yaala galbeedka Pokot, kaasi oo si deg deg ah loo xakameeyay.
Mwaura ayaa dhanka kale sheegay in waalidiinta 19 arday oo ka mid ah 21-kii ku nafwaayay dabkii ka kacay dugsiga hoose dhexe ee Hiilside Endarasha Academy ee ismaamulka Nyeri aynan weli aqoonsan carruurtooda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay la billaabay baaritaannada lagu sameynaya meydadka ardaydaasi.
Afhayeenka dowladda sare, Isaac Mwaura ayaa sheegay in kastoo weli la baaraya sababtii keentay dabkii ka kacay dugsiyada Hillside ee Nyeri iyo midka sare ee gabdhaha ee ismaamulka Isiolo haddana in uu kenyaanka u xaqiijinaya in cid kasta oo falalkan ku lug lahayd lala xisaabtami doono.
Waxaa uu xusay in dowladda oo mudnaanta koowaad siinaysa xaqiijinta badqabka ardayda in ay sii wadi doonto dhaqangelinta xeerarka degsan si looga hor tago dhacdooyinka noocan ee mustaqbalka.
Home Wararka Kenya Dowladda oo feejignaan ku baaqday ka dib dhacdooyinka dugsiyada gubanaya oo kordhay