Maxkamadda oo diiday in garoonka JKIA muddo laga kireeyo shirkadda Adani

0
145

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar dowladda looga hor istaagaya in ay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi muddo ku wareejiso shirkadda Adani ee laga leeyahay waddanka India.
Xannibaaddan ayaa jiraysa ilaa iyo inta ay maxkamadda ka soo saareysa dib u eegis sharciyeed oo ku aaddan heshiiska labada dhinac.
Garsoore J. Chigiti ayaa amarkan bixiyay.
Waxaa uu sheegay in la hakiyay dhammaan geeddisocodyada is-afgarakaasi ilaa inta laga soo gabagabeynaya kiiskan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamadda dacwad u gudbiyeen ururka qareennada dalka ee (LSK) iyo guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka ee (KHRC).
Waxay ka soo horjeedaan go’aanka uu maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee (KAA) uu muddo 30 sano ah garoonka (JKIA) uga kireynaya shirkadda Adani Group .
Waxay arrintan ku soo aadaysa iyadoo daneeyayaal kala duwan ay ka soo horjeesteen qorshaha ay dowladdu sheegtay in lagu ballaarinaya garoonka diyaaradaha.
Dhinacyada tallaabadan dhaliilay waxaa ka mid ah ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha waaxda duullimaadka dalka ee KAWU.
LSK iyo KHRC ayaa doodaha qoraalka ah ee ay maxkamadda u gudbiyeen ku sheegay in maamulka KAA uu go’aansaday in gagida JKIA lagu wareejiyo shirkadda laga leeyahay waddanka India ee Adani iyadoo aan arrintan looga wada tashan si dhameystiran oo daahfuran.
Maamulka maareeya garoomada diyaaradaha dalka ee KAA ayaa laga doonaya inuu maalmaha nagu soo aaddan uga jawaabo eedeyntan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay dacwaddan soo qaaddo 8-da bisha Tobnaad ee sanadkan.