Xildhibaannada dalka oo doonaya in 13 bilyan lagu kordhiyo sanduuqa horumarinta deegaannada

0
119

Waxaa guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan qoondeynta miisaaniyadda loo gudbiyay soo jeedin ku aaddan in dhaqaalaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NG-CDF lagu kordhiyo 13 bilyan oo shilin.
Xildhibaanka Bariga Wajeer Aadan Daauud ayaa soo jeediyay in isbeddel lagu sameeyo xeerka NG-CDF Act ee sanadkii 2015-kii gaar ahaan qaybta 4-aad.
Waxaa isbeddellada ku xusan in marka laga soo tago maalgelinta waxbarashada iyo kaabayaasha dugsiyada in sanduuqan uu sidoo kale fuliyo mashaariicda cayaaraha, farshaxanka, dhisidda agabka isgaarsiinta iyo horumarinta bulshada.
Lacagta loo qoondeeyo sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NG-CDF ayaa hadda ah 53.5 bilyan oo shilin.
Guddoomiyaha guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a Ndindi Nyoro ayaa sheegay in isbeddellada la soo jeediyay ay mari doonaan dhammaan marxaladaha dhanka xeer dejinta ka hor inta aan la ansixin si culeys dhaqaale oo dheeraad ah aynan qaranka ugu horseedin.