Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in mashruuca ay dowladdu ku dhisaysa guriyo tayeysan oo qiimo ahaan la awoodi karo uu yahay mid lagu wanaajinaya nolosha dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriqay in ujeeddada barnaamijkan laga leeyahay ay tahay in dhallinyarada leh xirfadaha kala duwan shaqo abuur loo sameeyo iyadoo dhanka kale meesha laga saaraya xaafadaha isku raranta ah ee ay ku yar yihiin adeegyada bulshada.
Xilli uu kormeeray mashruuca guriyeynta ee ka socdo xaafadda Kibera ee ismaamulka Nairobi ayuu hoggaamiyaha dalka carrabka ku adkeeyay in howshan loo wado sidii loogu talagalay.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in mashruuca guriyeynta uu yahay mid beddelaya nolosha...