Waxay dhaawacyo culus soo gaareen 25 ruux ka dib markii ay maanta isku dhaceen labo ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda oo marayay waddada wayn ee u dhexeysa Mwea-Embu ee ismaamulka Kirinyaga .
Ciidamada booliiska ayaa warbaahinta u sheegay in shilka uu saameeyay baabuurtan oo ay kala leeyihiin shirkadaha Unique Shuttle iyo Neno Sacco.
Laamaha ammaanka ayaa intaasi ku daray in dadka dhaawacmay oo ay da’oodu u dhexeyso 11 sano ilaa 48 sano la geeyay isbitaal si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla Mutithi halkaasi oo lagu daaweynaya.
Rakaabka ayaa ka dhaawacmay lugaha, gacmaha , foolka ama wajiga iyo qaybaha kale ee jirka.
Mataatuuda shirkadda Unique Shuttle ayaa ku soo wajahnayd Mwea waxayna ka timid Makutano halka gaadiidka Neno Sacco uu dhanka kale u socday.
Wadaha mataatuuda hore ayaa ka soo gudbay qaybtii loogu talagalay inuu waddada ka isticmaalo taasi oo keentay in labada gaari ay isku dhacaan.