Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka ayaa lagu helay dembi ah inuu dafiray amarro maxkamadeed .
Tani ayaa timid ka dib markii uu ku guul darreystay inuu maxkamadda ka soo hormuuqdo in kastoo ilaa 6 mar looga yeeray.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ee uu ka midka yahay hoggaamiyaha booliiska ay qasab ku tahay in ay u hoggaansamaan dastuurka.
Mugambi ayaa xusay in maxkamadda ay mas’uuliyad ka saaran tahay dib u soo celinta kalsoonida shacabka sidaasi awgeedna ay qasab tahay in abaanduulaha booliiska xafiiska laga saaro haddii ay cadaato inuunan tixgelin dastuurka.
Qareenka dowladda ee matalayay mas’uulkan ayaa dhankiisa maxkamadda u sheegay in Masengeli uu ku howlan yahay arrimo amni ee ismaamulka Wajeer sidaasi awgeedna aynan u suurtagelin inuu maanta maxkamadda ka soo hormuuqdo.
Masengeli ayaa horay u codsaday in la siiyo ilaa maanta oo Isniin ahayd maadaama uu howlo shaqo u joogay Mombasa.
Hasa ahaate , shakhsiyaadka dacwadda maxkamadda geeyay oo uu matalayay qareenkooda Nelson Havi ayaa su’aal geliyay ilaa xillimaa ayay maxkamaddu taliyaha u oggolaanaysa inuu ka soo hormuuqdo oo uu xita soo diro ku xigeenkiisa Eliud Lagat.
Nelson Havi ayaa maxkamadda u sheegay in la doonayo in Gilbert Mesengeli xafiiska laga saaro maadaama uu sameeyay amar diido.
Waxaa arrintan ku waafaqday madaxa ururka qareennada dalka ee LSK Faith Odhiambo oo sheegtay in aan lagu qanci karin sababta uu sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka uu dhowr mar ugu guul darreystay inuu maxkamadda hor yimaado si uu uga jawaabo halka ay ku maqan yihiin saddex qof oo lagu kala magacaabo Jamil Longton, walaalkii Aslam Longton iyo Bob Njagi oo u ololeeya arrimaha bulshada.
Qareennada ayaa maxkamadda ka codsaday in ay Gilbert Masengeli ku xukunto 6 bilood oo xabsi ah ama ganaax iyadoo ganaaxa laga jaraya mushaarkiisa.
19-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii 3-da qof ay afduubteen dad lagu sheegay ciidamada booliiska xilli ay socdeen dibadbaxyadii dhallinyarada ee ka dhanka ahaa dowladda.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa sheegay in dafiraadda amar maxkamadeed ay tahay dembi sidaasi awgeedna aan loo wakiishan karin ku xigeen.
Xaakinka oo cambaareeyay habdhaqanka ku simaha taliyaha guud ee booliiska ayaa dhanka kale sheegay in la isku dayey faragelinta geeddisocodka kiiskan.
Waxaa uu sheegay in askari ka howlgalo xafiiska taliyaha guud ee booliiska uu la soo xiriiray ilaaliyihiisa isagoo ka wareysanaya halka uu ku sugan yahay garsooraha.
Garsoore Mugambi ayaa Lazarus Opicho, oo la rumeysan yahay inuu ilaalladiisa soo wacay faray inuu maxkamadda ka soo hormuuqdo 13-ka bishan Sagaalaad.
Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay Jimcada xukun ku rido sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Gilbert Masengeli.