Gachagua oo saraakiisha (NGAO) ugu baaqay inaysan ka gaabin dagaalka ka dhanka ah mandooriyaha

0
78

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ka codsaday saraakiisha dowladda dhexe u qaabilsan dhanka maamulka ee (NGAOs) in aysan ka tanaasulin dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha gaar ahaan khamriga sharci darrada ka ah gudaha waddanka.
Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in kastoo guulo la gaaray haddana la doonaya in la sii wada ololahan.
Waxaa uu u ammaanay saraakiisha qaabilsan maamulka ee dowladda sare oo uu sheegay in ay yareeyeen isticmaalka khamriga sharci darrada ah.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa ku dhiirrigeliyay saraakiishan in ay si daacad ah u sii wadaan gudashada shaqadooda isagoo sheegay in ay taageero ka helayaan dowladda dhexe.
Gachagua ayaa xusay inuu qadarinaya adeegyada ay saraakiisha maamulka u fidiyaan qaranka wuxuuna ku tilmaamay tiirar muhiim u ah maamulka dowladeed.
Waxaa uu howlwadeennadan ku bogaadiyay doorkii ay ka qaateen diiwaangelinta beeralayda waddanka.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay in saraakiishan ay muddo ka yar labo toddobaad ku diiwaangeliyeen 6 milyan oo beeralay ah.
Hadalkan ayuu jeediyay xilii uu ismaamulka Trans Nzoia uga qayb galay aaska madaxii hore ee fulinta ee ololaha qaran ee ka dhanka ah isticmaalka maandooriyaha ee NACADA, Victor Okioma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here