Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida barasaab ku xigeenkii Lamu

0
320

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta, ka dib geeridii barasaab ku xigeenkii ismaamulka Lamu Raphael Munyua Ndung’u.
Waxaa uu mas’uulkan shalay ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital.
Madaxweynaha ayaa barasaab ku xigeenkii Lamu ku tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye dadaal badan oo mudnaan siin jiray baahiyaha shacabka dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu xusay in Raphael Munyua Ndung’u oo si hagar la’aan ah uga shaqeeyay danta guud ee dadka Lamu.
Ndung’u ayaa geeriyooday isagoo lagu daweynayay isbitaalka Nairobi Hospital.
Waxaa geeridiisa xaqiijiyay walaalkiis, inkastoo uusan shaacinin sababta rasmiga ah ee uu u dhintay.
Warbaahinnada qaar ee maxalliga ayaa ku warramay in Ndung’u uu geeriyooday xanuunka qaaxada maskaxda oo uu muddo dheer la daala dhacayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here