Guddiga CRA oo ka soo horjeestay in la dhimo miisaaniyadda ismaamullada

0
212

Guddiga qaabilsan qoondeynta dakhliga ee (CRA) ayaa sheegay in aynan jirin sabab lagu qanci karo oo loo yareynaya miisaaniyadda sanadlaha ee ay dowladda dhexe siiso ismaamullada.
Guddoomiyaha CRA Mary Chebukati ayaa arrintan ka hadashay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in la saadaalinaya in dakhliga dowladda sare oo sanad maaliyadeedkii hore ahaa 2.23 Tiriliyoon oo shilin uu gaaro 2.6 Tiriliyoon oo shilin.
Waxay soo jeedisay in dowlad deegaannada lagu wareejiyo 400 oo bilyan oo aan qiimahan lagu soo reebin 380 bilyan oo shilin.
Mary ayaa ka falcelinaysay soo jeedinta ku xusan hindise sharciyeedka qaybsashada dakhliga qaran ee Division of Revenue ee sanadkan oo isbeddel lagu sameeyay.
Waxay carrabka ku adkeysay in haddii dowladda sare ay qorshaheeda ka dhabeyso , in saameyn ay ku imaanaysa bixinta adeegyada shacabka ee ismaamullada.
Waxaa sidoo kale soo jeedinta ku saabsan in la yareeyo miisaaniyadda ismaamullada gaashaanka u daruuray golaha barasaabyada ee CoG.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here