Wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo eedeyn u jeedisay Israa’iil

0
216

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa ciidamada militariga ee Israa’iil ku eedeysay in ay diideen isku dubaridka sidii meelaha ka tirsan Koonfurta Marinka Qaza ay u geli lahaayeen saraakiisha caafimaadka ee sameynaya ololaha ka dhanka ah xanuunka dabeysha.
Waxay tani imaanaysa iyadoo dhanka kale , ururka Xamaas ee Falastiin uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku eedeyay inuu is hor taagay in la gaaro heshiis xabbad joojin ka dib markii uu diiday inuu ciidamadiisa ka saaro xadka Qaza iyo Masar.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa ku dhintay in ka badan 40,878 ruux halka lagu dhaawacay 94,454 oo kale.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here