Ruto oo ololaha AUC-da ee Raila kala hadlay 6 ka mid ah hoggaamiyaasha Afrika

0
342

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magaalada Beijing ee dalka Shiinaha kula kulmay 6 ka mid ah madaxweynayaasha waddamada qaaradda Afrika.
Waxaa uu ka codsaday in ay taageeraan musharraxnimada ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC.
Hoggaamiyaashan ayaa kala ah madaxweynaha dalka Togo ,Faure Essozimna Gnassingbé ,Assimi Goita ( Mali), Paul Kagame (Rwanda), Umaro Sissoco Embalo ( Guinea-Bissau), Mahamat Idriss Deby ( Chad) iyo dhigiisa Zambia Hakainde Hichilema .
Sidoo kale waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada badan ah ee ka dhexeeya dalalkooda.
Dowladda Kenya ayaa musharraxnimada Raila Odinga ee jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika si rasmi ah u soo bandhigtay 27-kii bishii hore ee sanadkan.