Shaqaalaha ismaamullada oo soo saaray wargelin ku saabsan shaqo joojin

0
161

Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha ismaamullada dalka ee (KCGWU) ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan dalladdan ay 21 cishe ka dib guda galayaan shaqo joojin.
Waxay dalbanayaan in muddadan gudaheeda lagu xalliyo tabashooyin dhanka mushaaraadka ah oo ay qabaan.
Xoghayaha Guud ee ururka KCGWU ,Roba Duba ayaa dhaliilay go’aanka ay dowladda sare mushaaraadka ugu kordhinaysa shaqaalaheeda ee aan sidoo kale lagu tixgelin howlwadeennada ismaamullada.
Duba ayaa sheegay in ay dalbanayaan in si degdeg ah iyadoo aan laga sii dib dhicin mushaaraadka loogu kordhiyo shaqaalaha 47-da dowlad deegaan ee ay Kenya ka kooban tahay.
Waxaa uu wacad ku maray in haddii aan sidan la sameyn in howlwadeennada ismaamullada ay ku dhaqaaqi doonaan shaqo joojin qaran.
Duba ayaa xusay in wargelinta ku aaddan shaqo joojinta ay qorsheynayaan lala wadaagay xoghayeyaasha ismaamullada dalka oo qaabilsan wax ka qabashada tabashooyinka shaqaalaha.