42 qof oo lagu dilay Qaza

0
342

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay duqeymaha militari ee ay Israa’iil halkaasi ka wado ay ku dhinteen 42 ruux oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa saacadahan gudahooda la dhaawacay 107 qof oo kale.
Ugu yaraan 6 ka mid ah dadkan ayaa lagu dilay weerar lala eegtay machadka Namaa College ee Waqooyiga Galbeed ee Qaza oo ay dad hooy ka dhiganayeen.
Israa’iil ayaa ku andacoonaysa in xaruntaasi ay fariisin ahaan u adeegsato Xamaas.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhowr qof oo kale ay ku hoos xanniban yihiin burburka ka dhashay duqeyntaasi.
Dadka la dhaawacay waxaa ka mid ah shan carruur oo ku sugnaa meel u dhow isbitaal ku yaalla magaalada Deir el-Balah ee bartamaha Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , ugu yaraan 40,861 qof ayaa lagu dilay Qaza iyadoo la dhaawacay 94,398 dheeraad ah.