KEMSA oo maro-kaneeco u qaybisay shacabka Baringo

0
272

Maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA ayaa ismaamulka Baringo gaarsiiyay 290,000 oo ah maro-kaneecooyin .
Waxaa barnaamijkan maalgelisay hay’adda Global Fund.
22 ka mid ah ismaamullada dalka ee ay kaneecadu ku badan tahay oo ay ka mid yihiin kuwa gobollada Nyanza iyo Xeebta ayaa barnaamijkan lagu bartilmaameedsanaya.
KEMSA ayaa waddo olole guud ahaan dalka looga bixinaya 10.9 milyan oo maro-kaneeco ah.