Barasaabkii hore ee Samburu oo racfaan gudbiyay

0
322

Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Samburu Moses Lenolkulal ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad racfan ah .
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamaddu dhawaan ku heshay inuu Samburu ka lunsaday 83.4 milyan oo shilin.
Hasa ahaate ,Lenolkulal ayaa ku doodaya in garsoorihii xukumay uunan si buuxda u qiimeyn caddeymihii lala wadaagay.
Waxaa uu hadda doonaya in maxkamadda sare ay tixgeliso codsiga racfaanka ah ee uu gudbiyay.
Maxkamadda ayaa siyaasigan horay ugu xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo ah 85 milyan oo shilin ama uu xabsiga ku jiro 8 sano.