Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa kulan la yeeshay taliyeyaasha sare ee ciidanka booliiska.
Waxaa uu u xaqiijiyay in dowladdu ay ka go’an tahay dhaqangelinta isbeddeladii uu soo jeediyay guddigii uu hoggaaminayay madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka David Maraga.
Isbeddelladan ayaa ah kuwo lagu wanaajinaya xaaladaha ay ku shaqeeyaan ciidamada booliiska, saraakiisha waaxda asluubta iyo saraakiisha adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS.
Wasiir Kindiki ayaa madaxda booliiska u xaqiijiyay in maamulka madaxweyne William Ruto uu diyaar u yahay inuu garab ku siiyo wax kasta oo u fududeyn karo sugidda ammaanka dalka.