Madaxweynaha dalka oo gaaray Beijing

0
228

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X waxaa uu ku xaqiijiyay inuu gaaray caasimadda jamhuuriyadda Shiinaha ee Beijing.
Waxaa uu halkaasi uga qayb galaya madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.
Waxaa sidoo kale halkaasi gaaray oo madaxweynaha safarkiisa ku wehelinaya madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in kulankaasi uu Afrika siinaya fursad ay ku cusbooneysiiso kuna sii xoojiso iskaashiga kala dhexeeya dalka Shiinaha.
Madaxweynaha dalka ayaa intaasi ku daray in Shiinaha uu muddo sanado ah cadeeyay inuu yahay saaxiib dhab ah oo dhanka horumarka oo uu si wayn dib u habeyn ugu sameeyay kaabayaasha .
Hoggaamiyaha Kenya ayaa xusay in ay doonayaan inay ka faa’iidaystaan xiriirrada ay leeyihiin si loo dardargeliyo horumarka.
Madasha 9-aad ee shirweynaha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galaya qaar ka mid ah madaxda waddamada hoos tago Afrika waxaana looga hadlaya arrimaha cimillada, dhaqaalaha dhijitaalka ah, tiknolojiyadda , tamarta iyo qodobbo kale.