Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Nancy Macharia ayaa sheegtay in ay qirayaan in bareyaasha dalka ay aad u dadaalaan.
Waxay tilmaantay in ay maanta la kulmeen KUPPET maadaama sida ay hadalka u dhigtay loo daneynaya carruurta waddanka.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in ay qaranka ogeysiinaysa in ay gaareen xal wax ku ool ah oo horseedaya in macallimiinta ay si degdeg ah u sii wataan shaqadooda.
Waxay intaasi ku dartay in sidii la ballan qaaday 21-kii bishii Sideedaad ee sanadkii 2021-kii in dowladdu ay bixisay miisaaniyadda lagu dhaqangelinaya wajiga labaad ee heshiiska gorgortanka ku saleysan ee mushaar kordhinta iyadoo laga soo billaabaya 1-dii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Nancy Macharia ayaa sheegtay in ka guddi ahaan ay dhaqan geliyeen dhammaan qodobbadii heshiiskii 2021-kii 2025-ka oo macallimiinta mushaar kordhinta loo sameeyay bishii hore.
Sidoo kale waxaa la xalliyay tabashadii macallimiinta ee ahayd in lacagaha laga jaro mushaaraadkooda aan lagu wareejin maamullada sida ururrada maalgashiga.
Nancy Macharia , madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sidoo kale xaqiijisay in dowladdu ay bixisay raasimaalka lagu qalabeynaya bareyaasha wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS iyadoo lala jaanqaadaya manhajka waxbarashada ee CBC.
Waxay intaasi ku dartay in ay dallacsiiyeen macallimiin gaaraya 51,232 oo ayna howshan sii wadi doonaan marka uu baarlamaanka miisaaniyad u qoondeeyo.
TSC ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiska xiga uu billaaban doono marka ururka macallimiinta ee KUPPET uu gudbiyo dalabaadkiisa .
KUPPET iyo TSC ayaa isku afgartay in wixii dheeraad ah lagu xalliyo wada xaajoodyo sida uu dhaqanku yahay.
Madaxa adeegga macallimiinta ee TSC ,Nancy Macharia ayaa ugu dambeyn ururka KUPPET uga mahadcelisay inuu oggolaaday in la soo afjaro shaqo joojinta si fursad loogu helo wada xaajoodyada.
Sidoo kale waxay u mahadcelisay dhammaan macallimiinta dalka oo ay sheegtay in ay waxyaabo badan hureen si waxbarashada ay u sii socoto.