Ururka ay ku mideysan yihiin macallimiinta dugsiyada sare ee dalka iyo machadyada ee (KUPPET) ayaa shaaciyay inuu hakiyay shaqo joojin soo billaabatay 26-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan oo ay ku guda jireen xubnaha ururkan.
Tani ayaa timid ka dib markii hoggaamiyaasha KUPPET iyo guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ay maanta wada yeesheen kulan looga arrinsanayay ismari waagii ka dhexeeyay.
Xoghayaha guud ee KUPPET Akelo Misori iyo madaxa fulinta ee guddiga TSC Nancy Macharia oo shir jaraaid wada qabtay ayaa sheegay in shaqo joojinta la hakiyay si TSC fursad loogu siiyo xallinta dalabaadka aan weli wax laga qaban ee bareyaasha.
Akelo Misori ayaa hoosta ka xarriiqay in lacagtii mushaar kordhinta ee heshiiska CBA la bixiyey , in la soo celiyay caymiskii caafimaadka ee macallimiinta balse TSC ay raadinaysa lacago ay ku dallacsiin karto bareyaasha muddo dheer ka tirsan hal heer oo shaqo.
Waxaa uu intaasi ku daray in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu wado wada hadallo ku aaddan in macallimiinta jagooyinka qaar si ku meel gaar ah u sii haya ay si buuxda ula wareegaan.
Xoghayaha Guud ee ururka macallimiinta ee KUPPET Akelo Misori oo shaacinaya in ay hakiyeen shaqo joojintii ay ku guda jireen ayaa yiri.
Sidoo kale wuxuu sheegay in aan la ciqaabi doonin macallimiintii ka qayb qaatay shaqo joojinta.
Waxay tani micnaheedu tahay in laga billaabo berri ay macallimiinta xubnaha ka ah ururka KUPPET iska xaadirin doonaan dugsiyada.