Shakhsi lagu magacaabo Kelvin Kinyanjui Kang’ethe oo ku eedeysan inuu saaxiibtiis dilay ayaa dowladda Kenya waxay u gacan galisay dhigeeda Maraykanka.
Ninkan oo ku eedeysan dilka haweeneey lagu magacaabo Margaret Mbitu oo saxiibtiis ahayd ayaa si weyn looga doonayay Maraykanka.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Renson Ingonga ayaa sheegay in Kelvin shalay laga masaafuriyay caasimadda wadanka ee Nairobi, si loogu maxkamadeeyo Maraykanka.
Berri ayaa lagu wadaa in eedeysanaha maxkamadda uu ka soo hormuuqdo.
Eedeysanaha ayaa si baxsad ah ugu yimid Kenya sanadkii 2023-kii, ka dib markii lagu eedeeyay inuu dilay saaxiibtiisa.
Kang’ethe ayaa ku eedeysan inuu Maraykanka ku dilay gabadh kenyaan ah balse sidoo kale haysata dhalashada wadankaasi oo ay wada sheekeysanayeen da’deeduna ahayd 31 sano.