Kulan ay isugu yimaadeen madaxda bulshada iyo saraakiisha ammaanka oo ka dhacay Jarriroot oo ka tirsan deegaanka hoose ee Iftin ee ismaamulka Garissa ayaa looga hadlay sidii looga hortaggi falal amniga lidi ku ah oo halkaasi ku soo batay.
Kulanka ayaa lagu ogaaday in isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya uu saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah dhallinyarada halkaasi ku nool, kuwaas oo gaysta falal dambiyeedyo kala duwan.
Taliyaha saldhigga booliiska ee deegaanka hoose ee Iftin ee ismaamulka Garissa Jesse Ekiru ayaa dadka deegaanka uga digay inay qariyaan shakhsiyaadka dambiyada gaysta, islamarkaana tallaabo laga qaadi doono cidii sidaasi sameysa.
Dadka deegaanka ayaa dhankooda soo jeediyay in Jarriroot laga dhiso saldhig booliis, si wax looga qabto falalka amni darro.