Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay xubnaha guddi farsamo oo loo xilsaaray isku duba ridka isbeddellada lagu sameynaya adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) iyo adeegga qaran ee dhallinyarada ee (NYS).
Waxay xubnahan ka kooban yihiin 13.
Waxaa guddigan guddomiye u ah Kepha Onyiso oo ah qareenka dowladda ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee waddanka, iyadoo uu ku xigeen u yahay Musita Anyangu .
Charles Otieno oo ay wehelinayaan ilaa 7 xoghayeyaal kale ayaa qaabilsanaan doona la talinta dhanka farsamada.
Xubnaha guddigan ayaa haysta muddo 9 bilood ah oo ay warbixintooda ku soo bandhigayaan si loo wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan saraakiisha ammaanka ee dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay dowladdu meel marisay soo jeedinnadii guddigii uu hoggaaminayay madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka David Maraga.