Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan ayaa sheegay in dowlad deegaankaasi uu furi doono xarun casri ah oo qaabilsan la tacaalidda xanuunnada dhanka aragga.
Waxaa uu sheegay in ay ku howlan yihiin geeddisocodka lagu qalabeynaya xaruntan oo dhismaheeda la dhameystiray.
Arrintan ayuu sheegay ka dib markii uu ka qayb galay indho-fiiq bilaash ah oo laga sameeyay isbitaalka wayn ee Garissa.
Waxaa arrinkan iska kaashaday dowladda ismaamulka Garissa, hay’adda caalamiga ee tabarucaadda ee Al Basar International Foundation oo ay maalgelinaysa xarunta samafalka iyo gargaarka baniaadannimo ee boqor Salmaan ee Sacuudi Carabiya.
Ilaa 500 qof ayaa ka faa’iidaya barnaamijkan.
Waxaa dareenkeeda warbaahinta la wadaagtay mid ka mid ah hooyooyinka indhaha loogu fiiqay Garissa.