KUPPET oo sheegtay in shaqo joojinta macallimiinta ay sii socon doonto

0
155

Ururka ay ku mideysan yihiin macallimiinta dugsiyada sare ee dalka iyo machadyada ee KUPPET ayaa shaaciyay in shaqo joojintii ay xubnihiisa soo billaabeen 26-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan ay sii socon doonto.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha guud ee ururkan Akelo Misori.
Tani ayaa timid ka dib markii uu kulan yeeshay guddiga qaran ee fulinta ee NEC ee dalladan.
Misori ayaa guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ku eedeyay inuunan diyaar u ahayn xallinta tabashooyinka bareyaasha.
Tallaabadan ayaa toddobaadkii labaad saameynaysa howlaha waxbarashada ee dugsiyada sare.
Waxyaabaha uu ururka macallimiinta ee KUPPET dalbanaya waxaa ka mid ah dhaqangelinta wajiga labaad ee heshiiska ku saabsan mushaar kordhinta ee CBA ee horay la isku afgartay inuu shaqeeyo laga soo billaabo 2021-kii ilaa 2025-ka.
Sidoo kale, waxay doonayaan in la dallacsiiyo qaar ka mid ah macallimiinta oo muddo dheer ku diiwaangashan hal heer oo shaqo.
Dalabka kale ee KUPPET ayaa ah in macallimiinta ay si toos ah u helaan caymis caafimaad sidoo kalena lacagaha laga jaro lagu wareejiyo maamullada ay ka midka yihiin ururrada maalgashiga.
Ururkan ayaa sidoo kale dalbanaya in si joogto ah loo shaqaaleysiiyo 46,000 oo ah macallimiinta wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada JSS.
KUPPET ayaa ku adkeysanaysa in aynan tixgelin doonin amarkii maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee ahaa in ay shaqo joojinta soo afjaraan.
Waxay ku doodayaan in amarkaasi uu soo baxay xilli shaqo joojinti ay socotay sidaasi awgeedna aynan u hoggaansamayn.