Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa caawa u ambabixi doono caasimadda jamhuuriyadda Shiinaha ee Beijing oo uu ku tagaya safar rasmi ah.
Waxaa uu hoggaamin doonaa wafdiga Kenya matalaya ee halkaasi uga qayb galaya madasha 9-aad ee shirweynaha iskaahsiga Shiinaha iyo dalalka Afrika ee (FOCAC).
Kulanka ayaa waxaa isugu imaanaya madaxda waddamada Afrika , hoggaamiyaasha Shiinaha iyo mas’uuliyiinta Midowga Afrika si loo xoojiiyo xiriirka labada dhinac.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House, Xuseen Maxamad ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in madaxweyne William Ruto lagu wado inuu soo helo maalgashiyo muhiim ah oo uu qaranka ka faa’iidaya sanado badan.
Xuseen Maxamad ayaa sheegay inta uu madaxweynaha ku sugan yahay Beijing inuu ka qayb geli doono kulamo kala duwan iyo munaasabado heer sare ah oo lagu sii xoojinaya iskaashiga ka dhexeeya Kenya iyo Shiinaha sidoo kalena lagu raadinaya wada shaqeyn dheeraad ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa la kulmi doono dhigiisa Shiinaha Xi Jinping.
Sidoo kale waxaa uu kulamo labo geesood ah la yeelan doonaa madaxda Afrika ee shirkaasi ka qayb galaya sida hoggaamiyaasha dalalka Senegal iyo Algeria si loo adkeeyo iskaashiga gobolka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in hoggaamiyaha dalka uu ka qayb galo madasha mas’uuliyiinta ganacsatada ee Shiinaha iyo dalalka Afrika oo diiradda lagu saari doono fursadaha maalgashiga ee dhanka kaabayaasha , caafimaadka, wax soo saarka ,ICT-da,beeraha , socdaalka casriga ah iyo tayeynta suuqgeynta.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale la kulmi doono shirkadaha gaarka ah ee waawayn ee Shiinaha si uu ugu bandhigo fursadaha bannaan ee maalgashiga dhinaca horumarinta kaabayaasha, daryeelka caafimaad iyo tiknolojiyadda.
Kenya ayaa rajeynaysa in safarka madaxweynaha ee Shiinaha ay ka faa’iido heshiisyo lagu dhisaya waddooyinka degmooyinka ee guud ahaan dalka , hannaanka casriga ah ee gaadiidka ee Nairobi, mashruuca biyo xireenka Bosto Dam ee ismaamulka Bomet iyo wajiga saddexaad ee tayeynta qalabka machadyada lagu barto culuunta farsamada ee TVETs.
Sidoo kale , waxaa halkaasi lagu soo gabagabeyn doonaa wada hadallada lagu dhameystiraya wajiyada 2B iyo 2C ee marinka casriga ee tareennada ee SGR oo isku xiri doono Naivasha-Kisumu –Malaba iyo mashaariic kale.
Shiinaha ayaa ka mid ah saaxiibbada ugu waawayn ee Kenya ee dhinaca ganacsiga.
Intii u dhexeysay sanadkii 2022-kii ilaa 2023-kii, waxaa labada dal dhex maray ganacsi qiimihiisu uu kor u dhaafay 8 bilyan oo doollar una dhiganta 1.04 tiriliyoon sida laga soo xigtay afhayeenka madaxtooyada Xuseen Maxamad.
Safarka madaxweynaha ayaa la rajeynaya inuu sii xoojiyo dadaallada iskaashiga ee dhinacyada beeraha, yareynta cunno yarida ,hal-abuurka dhaqaale , ganacsiga casriga ah, wax soo saarka, caafimaadka,ilaalinta deegaanka iyo adeegyada maaliyadeed.