NACADA oo shaacisay olole qaran oo lagu xiraya baararka u dhow dugsiyada

0
338

Maamulka qaabilsan ololaha qaran ee ka dhanka ah isticmaalka maandooriyaha ee NACADA ayaa shaaciyay in la guda galaya olole qaran.
Waxaa howlgallada lagu bartilmaameedsanaya goobaha lagu caweeyo iyo meelaha lagu iibiyo maandooriyaha uu khamriga ka mid yahay ee u dhow xarumaha waxbarashada.
Sidoo kale , waxaa meesha laga saaraya boorarka cabitaannada khamriga lagu xayeysiiyo.
Madaxa fulinta ee NACADA Anthony Omerikwa ayaa sheegay in howlgalka uu saameyn doono xarumaha noocani ah ee wax ka yar 300 oo mitir u jiro goobaha tacliinta ama ay adeegyada ka helaan dadka ka hooseeya 18 sano.