Xoghayaha Guud ee ururka qaran ee macallimiinta dalka (KNUT) Collins Oyuu ayaa gaashaanka u daruuray dhaliilo loo jeediyay oo ah in ay wada shaqeyn hoose kala dhexeysa guddiga adeegga macallimiinta ee (TSC).
Tani ayaa timid ka dib markii KNUT ay meesha ka saartay wargelintii shaqo joojinta iyadoo dhanka kale ururka KUPPET uu weli ku howlan yahay shaqo joojinta.
Oyuu ayaa shir sanadla ah oo ka qabsoomay deegaanka Waqooyiga Mwingi ee ismaamulka Kitui ka sheegay in KNUT aynan ka shaqeynayn in ay cid gaar ah qanciso.
Waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan u ololeynta wax ka qabashada tabashooyinka bareyaasha.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in go’aankii ay ku hakiyeen shaqo joojintii qorsheysnayd ay soo wada dhaweeyeen macallimiinta.
Waxaa uu Collins Oyuu sheegay in boqolkiiba 90 ee dalabaadka ay weli ku adkeysanayaan xubnaha KUPPET in la oofiyay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in bilooyin gudahooda macallimiinta wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS si joogto ah loo shaqaaleysiin doono.