QM oo cambaareysay weerar ay Israa’iil ku qaadday xero qaxooti

0
170

Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay burbur xooggan oo ay sheegtay in Israa’iil ay ka gaysatay xerada qaxootiga ee Jenin ee Daanta Galbeed .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada militariga ee Israa’iil ay halkaasi ka fulinayaan duullaan culus.
Falastiiniyiinta ku nool Jenin ayaan haysan adeegyada cuntada, biyaha , korontada iyo intarneetka.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii duqeymaha Israa’iil ee Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 40,691 ruux halka la dhaawacay 94,060 kale.