Kindiki oo guddi farsamo u magacaabay isbeddellada laamaha ammaanka

0
181

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban 13 xubnood.
Waxaa uu guddigan isku duba ridi doonaa isbeddellada lagu sameynaya adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) iyo adeegga qaran ee dhallinyarada ee (NYS).
Tani ayaa timid ka dib markii ay dowladdu meel marisay soo jeedinnadii guddigii uu hoggaaminayay madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka David Maraga.
Kindiki ayaa Kepha Onyiso oo ah qareenka dowladda ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha guddiga.
Waxaa ku xigeen looga dhigay Musita Anyangu .
Charles Otieno oo ay wehelinayaan ilaa 7 xoghayeyaal kale ayaa loo magacaabay la-taliyaha dhanka farsamada.
Xubnaha guddigan ayaa haysta muddo 9 bilood ah oo ay warbixintooda ku soo bandhigayaan si loo wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan saraakiisha ammaanka ee dalka.