DHAGEYSO:Afar qof oo lagu dilay degmada Bangal ee ismaamulka Tana River

0
611

Waxaa lagu soo warramayaa in afar qof oo uu ka mid yahay wiil 5 sano jir ah lagu dilay aaga El Niqa oo ka tirsan degmada Bangal ee ismaamulka Tana River.
Falkan ayaa dhacay ka dib dagaal beeleed dhexmaray labo beelood oo halkaasi wada dega.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo soo xiganaya dadka deegaanka ayaa sheegay in dhacdadan ay ka dambeysay ka dib markii subaxnimadii Arbacada ee toddobadkan la soo xiray labo qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen fal kufsi ah.
Gabadh 16 sano oo la kufsaday ayaa la sheegay in ay ka soo jeedday mid ka mid ah labada beelood ee halkaasi wada dega ee kala ah Degoodia iyo Orma.
Labada eedaysane ee loo taxaabay saldhigga booliiska ee degmada Bangal ayaa waxaa xarigooda ka carooday xubno ka tirsan beeshooda ay meel ceel biyood ah ku weerareen dad aan waxba galabsan iyagoona ka qaatay xoolahooda.
Kooxda weerarka soo qaadday ayaa la sheegay in ay aad u badnaayeen, islamarkaana ay dhibbanayaasha ku dhufteen falaarro sumeysan oo ay ku dileen afar ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa halka kuwa kalena ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah.
Booliiska ayaa lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen ka hortagga dilalkan sharci darrada ah ee dhacay, ka dib markii lagu wargeliyay in labada beelood ay isku hanjabayeen.
Madaxda deegaanka ayaa ugu baaqay shacabka halkaasi ku nool inay isdejiyaan oo ay ka fogaadaan weerarro aargoosi ah, xilli ay socdaaan baaritaano dhacdadan ku aadan.