Barasaabyada ismaamullada oo lacag la’aan ka cabanaya

0
142

Barasaabyada ismaamullada dalka ayaa walaac ka muujinaya culeysyo maaliyadeed oo soo foodsaaray.
Barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha maaliyadda ee golaha barasaabyada waddanka ee CoG Fernandes Barasa ayaa sheegay in ay dantu ku qasabtay in ay amaah ka qaataan bangiga si ay u bixiyaan mushaarka shaqaalaha ee labo bilood.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ku adkaatay bixinta lacagaha shakhsiyaadka iyo shirkadaha u qaybiyay agabka kala duwan.
Barasa ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda sare ay ka dalbanayaan in ay ismaamullada ku wareejiso miisaaniyadii loo qoondeeyay ee muddo labo bilood ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ka dib markii meesha laga saaray hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 in ay wajahayaan gaabad dhaqaale oo ah 20.1 bilyan oo shilin.
Barasaabyada ayaa sheegaya in xaaladda ay sii noqon karto mid cakiran haddii aynan dowladdu qaadin tallaabooyin degdeg ah.
Arrintan ayuu ka hadlay ka dib markii ay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua kulan kula yeesheen hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa shirkaasi ka sheegay in tallaabadii ay kenyaanka uga soo horjeesteen ansixinta hindise sharciyeedka maaliyadda ka dibna uu madaxweynaha dhinac iskaga dhigay in ay horseedday caqabado badan oo maaliyadeed.
Waxaa uu xusay in dowladdu ay danta ku qasabtay in ay hakiso maalgelinta barnaamijyo qorsheysnaa iyadoo kuwo kalena baarlamaanka laga sugaya inuu meel mariyo.
Gachagua ayaa tilmaamay in la dhageystay rabitaankii shacabka sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan tahay in laga wada tashado sidii looga gudbi lahaa culeysyada dhaqaale ee uu dalka wajahaya.