DHAGEYSO:Ururka macallimiinta ee KUPPET oo dibadbax ka dhigay Mombasa

0
316

Qaar badan oo ka mid ah dugsiyada hoose dhexe ee ku yaalla ismaamulka Mombasa ayaa diiwaangeliyay tiro yar oo arday ah maalinta kowaad ee xilli dugsiyeedka saddexaad ee sanadkan, inkastoo macaallimiinta ay soo xaadireen kuwaas oo hoostaga daallada ururka qaran ee barayaasha dalka ee (KNUT).
Dhanka kale, qaar ka mid ah macallimiinta hoostaga dallada ururka macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada sare iyo machadyada farsamada ee dalka ee KUPPET ayaa banaanbax ka dhigay bartamaha magaalada Mombasa iyagoo maanta shaqa joojin billaabay.
Waxaa dibadbaxan sidoo kale qayb ka ahaa qaar ka mid ah barayaasha wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS.
Waxay wacad ku mareen inay dugsiyada dib ugu laaban doonin ilaa laga xalliyo tabashooyinkooda.
Waa kuwaan qaar ka mid ah oo dareenkooda warbaahinta la wadaagay.