Wasaaradda maaliyadda oo sheegtay in miisaaniyad loo qoondeeyay shaqaaleysiinta macallimiinta JSS

0
161

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka Mr. John Mbadi ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in dowladdu ay miisaaniyad u qoondeysay in macallimiinta fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS loo howlgeliyo si joogto ah.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee wasaaradda maaliyadda ee X ayaa arrinkan lagu shaaciyay.
Waxaa qoraalka ku xusan in arrintan laga dhabeyn doono laga billaabo bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka.
Wasiir Mbadi ayaa dhanka kale gaashaanka u daruuray warbixinno la faafiyay oo sida uu hadda sheegaya si ka duwan loo dhigay wuxuuna raalligelin ka bixiyay walaac kasta oo ay arrintaasi abuurtay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka maaliyadda ee dalka John Mbadi oo xilli habeen ah u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen uu sheegay in dowladdu aynan hayn raasimaal ay si joogto ah ugu shaqaaleysiiso bareyaasha JSS iyo 20,000 oo macallimiin dheeraad ah wuxuuna taasi u aaneeyay gaabad miisaaniyadeed oo uu dalka wajahaya.