Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xalay xarunta shirarka caalamiga ee (KICC) ee magaalada Nairobi uga qayb galay kulan dadweyne oo su’aallo lagu waydiinayay.
Waxaa arrintan horay u shaaciyay afhayeenka madaxtooyada waddanka Xuseen Maxamad oo bayaan soo saaray.
Kulanka ayaa ku saabsanaa hannaanka cusub ee maalgelinta tacliinta sare ee dalka oo uu walaac xooggan ka dhashay.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa difaacay nidaamka maalgelinta tacliinta sare.
Waxaa uu sheegay in ardayda loo qaybiyay ilaa shan heer iyadoo lagu saleynaya awoodda dhaqaale ee qoysaskooda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in hannaankan uu horay u jiray oo la soo billaabay sanadkii 1996-dii.
Madaxweynaha ayaa cadeeyay in heerka ardayda ay horay ahaayeen afar qaybood oo mid shanaad lagu kordhiyay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in arday gaaraya 134,000 ay soo codsadeen in dowladdu ay ka taageerto bixinta qarashaadka xarumaha sare ee waxbarashada.
Waxaa uu xusay in 26,000 oo arday ah ay gudbiyeen racfaan ay ka qaadanayaan in lagu biiriyay heer aynan dhaqaale ahaan awoodin.
Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in la xallinaya tabashada arday kasta uu ka qabo nidaamkan.