DHAGEYSO:KUPPET oo sheegtay in macallimiinta ay maanta shaqo joojin sameyn doonaan

0
222

Ururka macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada sare iyo machadyada farsamada ee dalka ee KUPPET ayaa weli ku adkeysanaya in xubnaha ka tirsan ay maanta shaqo joojin billaabayaan.
Golaha qaran ee maamulo KUPPET ayaa sheegay in uunan wax isbeddel ah ku imaan qorshihii shaqo joojinta iyadoo ay arrinkaasi codkooda ku taageereen 66 xubnood.
KUPPET ayaa go’aankan u aaneysay in kulamadii ay la yeelatay guddiga adeegga macallimiinta ee TSC aynan noqon kuwo miro-dhalay.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay TSC KUPPET u soo bandhigtay lacag dhan 13.3 bilyan oo shilin oo loogu talagalay heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee mushaar kordhinta ee CBA balse ururkan ayaa arrinkaasi ka soo horjeestay.
Guddoomiyaha qaran ee ururka macallimiinta ee KUPPET Omboko Milemba oo ka hadlaya shaqo joojinta ay maanta barayaasha ku dhaqaaqayaan ayaa yiri.

Kala qaybsanaanta ku timid ururrada macallimiinta dalka ee KNUT iyo KUPPET ayaa jahwareer ku abuurtay waalidiinta oo aynan u kala caddeyn in ay carruurtooda maanta dugsiyada gaynayaan iyo in kale.
Qaar ka mid ah waalidiinta ismaamullada Kisii, Nyamira , Kericho iyo Kisumu ayaa dowladda ugu baaqay in ay si buuxda u xalliso tabashooyinka macallimiinta si aan loo carqaladeyn habsami u socodka howlaha waxbarashada ee xilli dugsiyeedka saddexaad ee sanadkan oo berri billaabanaya.