DHAGEYSO:Ururka macallimiinta ee KNUT oo meesha ka saaray shaqo joojin u qorshaysnayd

0
269

Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee (KNUT) ayaa meesha ka saaray shaqo joojin uu qorshuhu ahaa in xubnaha ka tirsan ay billaabaan saqda dhexe ee xalay.
Hasa ahaate , tallaabadan ayaa laga laabtay ka dib markii golaha qaran ee fulinta ee KNUT uu kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee ururkan ee magaalada Nairobi.
Xoghayaha Guud ee KNUT Collins Oyuu oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen uu yahay mid guddiga adeegga macallimiinta ee TSC fursad u siinaya inuu xalliyo tabashooyinka ugu waawayn ee bareyaasha dalka.
Waxaa uu xoghayaha sheegay in la sameeyay horumar ku saabsan xallinta dalabaadka macallimiinta maadaama sida uu hadalka u dhigay wasaaradda waxbarashada iyo guddiga adeegga macallimiinta dalka ee TSC ay muujiyeen in ay ka go’an tahay la tacaalidda waxyaabo ay bareyaasha dalbanayeen.
Oyuu ayaa sheegay in qodobbada qaar laga heshiiyay halka kuwa harayna la isla meel dhigi doono.
Waxaa uu wacad ku maray in haddii aan sidan la sameyn, in KNUT ay dib u billaabi doonto shaqo joojinta maadaama ay hadda keliya meesha ka saartay wargelintii ku aaddanayd.
Xoghayaha Guud ee ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT Collins Oyuu ayaa sheegay in ay soo bandhigeen dalabaad gaaraya shan waxaa ka mid ah in si degdeg ah loo dhaqangeliyo wajiga labaad ee heshiiska gorgortanka ku saleysnaa ee sanadkii 2021-kii kaasi oo isbeddel lagu sameeyay kana dhexeeya TSC iyo ururkan.
Sidoo kale , KNUT ayaa dalbatay in si degdeg ah maamullada kala duwan loogu wareejiyo lacagaha laga jaro xubnahooda.
Sidoo kale , waxay doonayeen in 46,000 oo ah macallimiinta wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS si joogto ah loo howlgeliyo dhanka kalena la shaqaaleysiiyo 20,000 oo macallimiin dheeraad ah.
KNUT ayaa sidoo kale dalbanaysay in la dallacsiiyo 130,000 oo macallimiin ah.
Sidoo kale, ururkan ayaa dalbaday in dowladdu ay si degdeg ah u bixiso lacagaha caymiska caafimaadka ee macallimiinta.
TSC ayaa macallimiinta u xaqiijisay in mushaarkooda bishan Siddeedaad ay qayb ka noqon doonto wajiga labaad ee heshiiskii CBA ee dhanka mushaar kordhinta.
TSC ayaa sidoo kale sheegtay in ay dallacsiisay 51,232 oo ah macallimiin turxaan bixin maray welina lagu howlan yahay geeddisocodkan.
Mr. Oyuu ayaa xusay in macallimiinta dalka oo adeegsanaya golaha qaran ee fulinta ee ururka uu hoggaamiyo ee KNUT ay fareen inuu meesha ka saaro wargelintii hore ee ahayd in ay shaqo joojin billaabi doonaan Isniinta.
Waxaa uu macallimiinta ururkan xubnaha ka ah oo u badan kuwa wax ka dhiga dugsiyada hoose dhexe ee dalka ku amray in ay berri iska xaadiriyaan xarumaha waxbarashada ee ay ka howlgalaan.

Waxaa arrintan soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Julius Migos Ogamba oo waalidiinta kula taliyey in ay xaqiijiyaan in carruurtooda ay berri dugsiyada tagaan.
Wasiirka ayaa ururka KNUT uga mahadceliyay inuu ka laabtay shaqo joojintii uu horay ugu hanjabay wuxuuna ballan qaaday inuu wax ka qaban doono tabashooyinka bareyaasha ee aan weli lala tacaalin.