Ugu yaraan 34 qof oo ku dhintay shilal ka dhacay Pakistan

0
296

In ka badan 34 ruux ayaa ku geeriyooday labo dhacdo oo shil ah oo laga soo tabiyay dalka Pakistan.
Waxaa dadkan ka mid ah 12 qof oo xujeey ah oo laga hor istaagay in ay u gudbaan dhanka Iiraan.
Shilka koowaad waxaa ku dhintay ugu yaraan 22 ruux.
Tani ayaa timid ka dib markii bas rakaabkan siday uu ku dhacay dooxo u dhow magaalada Azad Pattan ee xadka gobollada Punjab iyo Kashmir.
Waxaa shilka labaad ku dhintay 12 ruux .
Shilkan ayaa laga soo tabiyay waddada wayn ee Makran ee gobolka Balochistan.