Bangladesh: In ka badan 300,000 oo qof oo u baahan gargaar

0
347

Saraakiisha waaxda maareynta musiibooyinka ee dalka Bangladesh ayaa maanta sheegay in ugu yaraan 300,000 oo qof ay u baahan yihiin gargaar baniaadannimo oo degdeg ah.
Dadkan oo ay saameyn ka soo gaartay daadadkii waddankaasi ku dhuftay ayaa weli ku jiro xerooyin ay ka helayaan hooy ku meel gaar ah.
Ugu yaraan 18 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen fatahaadaha waxayna tani sii adkeysay caqabadihii jiray oo ay ka mid ahaayeen dibadbaxyadii bishii hore ka dhacay Bangladesh ee horseeday in ay iscasisho Ra’iisul Wasare Sheikh Hasina.
Wasiirka maareynta musiibooyinka ee Bangladesh Faruk-e-Azam ayaa laga soo xigtay in tirada dadka ay saameeyeen daadka ay kor u dhaafaysa 5.2 milyan oo qof iyadoo ugu yaraan 307,000 ay helayaan hooy ku meel gaar ah.