ISIS oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ka dhacay Jarmalka

0
192

Kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii mindida loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada Solingen ee dalka Jarmalka.
Waxaa falkaasi lagu dilay saddex qof iyadoo sideed kalena la dhaawacay.
Kooxdan ayaa sheegtay in weerarka uu gaystay mid ka mid ah dagaalyahaanadeeda oo bartilmaameedsaday masiixiyiin isagoo u aargudayay muslimiinta Falastiin iyo meel kasta.